Skip Global Navigation to Main Content
Search
 
  •  
  • Photo

  • #

  • Photo

  • Photo

  • Photo

Sababaha ugu muhiimsan ee loo joojinayo argaggixisada inaga ayay dhammaanteena nagu heeraarsan yihiin.

Argaggaxisada dad bari ka ah oo nooc kasta isugu jira ayaa dilaan. Adiga oo bixiya macluumaad ka hortagaya falalka argaggixisada, nolol ayaad badbaadineysaa, qoysas ayaad ilaalinaysaa, oo nabadgelyada ayaad dhowreysaa.

Mareykanka waxay abaal-marin u bixinaysaa macluumaadka u horseeda soo qabashada dadka la soo sheego in ay argaggaxiso yihiin. Haddii aad hayso macluumaad inaga caawin kara, fadlan talo-siintaada hadda soo gudbi.

 

Soo Gudbi Macluumaad

Skip Breadcrumb Navigation

Wararkii ugu Dambeeyey

  • Muhammad al-Jawlani

    Muhammad al-Jawlani

    Abaalmarin Gaaraysa Illaa $10 Milyan

    Muhammad al-Jawlani, oo sidoo kale loo yaqaano Abu Muhammad al-Golani, oo sidoo kale loo yaqaano Muhammad al-Julani, waa hoggaanka sare ee ururka argagaxisada, ururka al-Nusrah Front (ANF), al-Qaacidada Suuriya. Bisha Abriil 2013, al-Jawlani wuxuu ballan ku maray inuu naftiisa u hurayo al-Qaacida iyo hoggaamiyaheeda Ayman al-Zawahiri. Bishii Luulyo 2016, al-Jawlani wuxuu ammaanay al-Qaacida iyo al-Jawlani isagoo ka soo muuqday fiidiyow online-ka la soo dhigey oo wuxuu sheegey in magaca ANF la bedellayo oo loo bedelli dalayo Jabhat Fath Al Sham (“Conquest of the Levant Front”). Inta hoggaanka al-Jawlani la hoos imaanayay, ururka ANF waxay Suuriya dhexdeeda ka fulisay dhowr weerar argagax ah, inta badan iyaga oo shacabka bartilmaameedsanaya. Bisha Abriil 2015 dhexdeeda, ururka ANF waxaa la soo sheegey in ay afduubteen, oo wakhti ka dibna soo daayeen, ku dhowaad 300 qof oo shacab Kurdish iyagoo ka afduubtay bar kontarool oo Suuriya ku taala. Bisha Juun 2015 dhexdeeda, ururka ANF iyaga ayaa sheegtay mas’uuliyadda xusuuq lagu sameeyay 20 qof oo ahaa dad degan tuulada Druze ee Qalb Lawzeh oo ku taalay gobolka Idlib, Suuriya. (Qoraal Buuxa »)

  • Sawir ah Joel Wesley Shrum

    Dilka Joel Wesley Shrum

    Taizz, Yemen | 18ka Maarso, 2012

    Taariikhdu markay ahayd 18ka bisha Maarso, 2012, Shrum, oo ay da'diisu ahayd 29, waa la toogtay oo la dilay isagoo shaqadiisa ku sii socda ee magaalada Taizz, Yemen, waxaa dilay qof qori ku hubbaysnaa oo mooto gadaal ka saarnaa isagoo gaarigiisa wada saaran dhinac dhigtay qofka mootada saarnaa. (Qoraal Buuxa »)

  • Sawir ah Abu Du'a

    Abu Bakr al-Baghdadi

    Abaalmarin Gaaraysa Illaa $25 Milyan

    Abu Bakr al-Baqdaadi, oo sidoo kale loo yaqaano Abu Ducaa, oo sidoo kale loo yaqaano Ibrahim 'Awwad Ibrahim 'Ali al-Badri, waa mas'uul sare oo ka tirsan ururka argaggixisada, ee Kooxda Ururka Islaamka ee Daacishta Ciraaq iyo Suuriya (Islamic State of Iraq and the Levant (ISIL). Cabsida al-Baghdadi aad ayay u siyaaday maadaama Waaxda Arrimaha Dibadda abaal-marinteeda koowaad ee ay ku dhawaaqday ahayd $10 milyan abaal-marintaas oo horseeda xogta la xiriirta goobta, soo qabashada, ama xukun dembi ee lagu dhawaaqay 2011. Bisha Juun ee 2014, ISIL (oo sidoo kale Daacish ku magac dheer) ayaa waxay la wareegtay xukunka qaybo ka tirsan Suuriya iyo Ciraaq, waxayna ku dhawaaqeen in ay dhidibbada u taageen qaliifada Islaamka, oo al-Baghdadi qaliifada u dhiibeen. Sannaddihii ugu dambeeyay, ururka ISIL waxaa u soo kordhay midnimada kooxaha jihaad-doonka oo waxay maanka ka qabsaden shaqsiyaad kala jooga meelo badan oo dunnida ka tirsan, oo waxay dhiirigeliyeen weeraro Maraykanka ka dhex dhaca. (Qoraal Buuxa »)

  • Gulmurod Khalimov

    Gulmurod Khalimov

    Abaalmarin Gaaraysa Illaa $3 Milyan

    Waa qof ka soo jeeda Tajikistan oo horey u ahaa korneel u qaabilsan howlwadeenka gaarka ah, abbaanduulyaha baliiska, iyo toogte gaar ah ee ciidamada waa Gulmurod Khalimov oo waa qof xubin ka ah Kooxda Ururka Islaamka ee Daacishta Ciraaq iyo Suuriya [Islamic State of Iraq and the Leavant (ISIL)] oo waa qofka u qaabilsanaa qorista iyo shaqaalaysiinta xubnaha. Wuxuu ahaan jiray abbaanduuliyea gaarka ah ee qaybta ciidamada gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee Tajikistan. Khalimov wuxuu ka soo muuqday fiidiyow dacaayad ah oo na xaqiijinnaya inuu ISIL u dagaalamaya oo wuxuu af-buuxa uu ugu dhawaaqay inuu qaadi doono tallaabo ficil celin rabsho ah oo lagu qaado dadka Ameerikaanka. (Qoraal Buuxa »)

  • Sawir ah Abu-Muhammad al-Shimali

    Abu-Muhammad al-Shimali

    Abaalmarin Gaaraysa Illaa $5 Milyan

    Hoggaanka Sare ee Kooxda Ururka Islaamka ee Daacishta Ciraaq iyo Suuriya (ISIL) Hoggaamiyaha Xuduuda Tirad al-Jarba, oo loo yaqaano magaca Abu-Muhammad al-Shimali, waxaa lala xiriirinnayaa kooxda ISIL, kooxdaasoo horey loogu yeeri jiray oo magacoodu ahaa al-Qaida da Ciraaq, tan iyo ilaa sannadkii 2005. Hadda wuxuu hayaa jagada ugu sareyso ee ugu muhiimsan ee Guddiga Isku-duwida iyo (Qoraal Buuxa »)

  • Sawir ah Waxyaabaha Qadiimiga

    Saliida iyo Waxyaabaha Qadiimiga ee si Suuq-madoow ahaan ay Kooxda Ururka Islaamka ee ISIL uga ganacsada

    Barnaamijka Abaal-marinta Caddaalada waxay ku yaboohaysaa abaal-marin gaaraysa ilaa $5 milyuun oo la siinaya qofkii keena xog ama macluumaad horseeda in carqaladeyn lagu sameeyo iibinta iyo/ama ganacsiga saliida iyo alaabaha qadiimka oo qaaliga ah oo loo gadado, laga gado, ama magacooda lagu iibiyo, ama loogu talagalo in ay ku faaidaystaan (Qoraal Buuxa »)

Sheekooyinka Guusha

Sawir ah Ramzi Ahmed Yousef

LA XUKMIYEY

Talo-siinta Sababta Ku Xukunka Dambi ee Ramzi Ahmed Yousef

Ramzi Ahmed Yousef wuxuu ahaa qofkii ka mas'uulka ahaa qaraxii bamka ka dhacay Xarunta Ganacsiga Dunida ee magaalada New York bishii Feebaraayo 1993-kii kaasoo ay ku dhinteen lix qofood ayna ku dhaawacmeen dhowr iyo kumanaan qof. Yousef iyo kalkaaliyeyaashiisi waxay gaari weyn oo faan ah oo ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa la galeen Xarunta Ganacsiga Dunida. Dhowr saacadood gudahood, wuxuu Yousef ku baxsaday dayuurad ku socotay Pakistan.

Wuxuu markale Yousef ka soo baxay dalka Philippines halkaasoo uu ku hawlanaa shirqool argagixiso oo culus. Wuxuu Yousef qorsheeyay in la dilo Baabaha John Paul II markii...(Qoraal Buuxa »)

Ku xiro


twitter   facebook   youtube   rss