Skip Navigation.

Raadinta Macluumaadka kasoo horjeeda Argagixisada Caalamiga ah

Dembiyo Dagaal


francais english kiSwahili lingala

Photo of
UN ICTR website
Wuxuu Mareykanka taageeray in la baadigoobo mas'uuliyadda dembiyadii ugu waaweynaa ee lagu xadgudbay sharciga aadminimada caalamka intii uu socday xasuuqii Rwanda ee 1994-kii. Qaar ka tirsanaa dembiileyaashii xasuuqa ee ay xukuntay Maxkamadda Caalamka ee Dembiyadii Rwanda (ICTR) ayaa weli la soo qaban. Dadaal loogu talagalay in raggaan lagu soo qabto, ayeey Mareykanka markale dhawaan u billaabeen barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda La Gaaray si loo soo qabto kooxaha ICTR ee baxsadka ah. Waxaa uu barnaamijkan ku bixinayaa $ 5 milyan wixii macluumaad ah ee lagu soo xiraayo ama maxkamad taagayo ragga ICTR ka tirsan ee la xukumay.
Shakhsiyaad ka Tirsan ICTR ee Baxsadka ah ee la Doonayo


Photo of
UN ICTY website
Wuxuu Mareykanka sii wadaa in uu taageero Maxkamadda Caalamka ee Dembiyadii Yugoslaafiyadii hore (ICTY), oo loo aasaasay in ay maxkmad soo saaraan shakhsiyaad aad ugu xad gudbay sharciga caalamka u dhigan insaanimada ee Yuguslaafiyadii hore tan iyo sanadkii 1991-kii. Dhowr qofood oo ay eedeesay ICTY ayaa weli baxsad ah. Barnaamijka Mareykanka ee Abaalmarinta Caddaaladda La Gaaray ee Dembiyada Dagaalka wuxuu ku bixinayaa lacag gaarayso $5 milyan oo doolar wixii macluumaad ah ee suurageliya in la soo xiro dadka baxsadka ah.

Shakhsiyaadka ka Tirsan ICTY ee Baxsadka ah ee la Doonayo