Abaalmarinta la Bixiyey
Barnaamijka Abaalmarinta caddalada waxay bixiyeen in ka badan $100 milyan iyadoo la siiyay 60 qof oo laga helay macluumaad looga hortagay weeraro argagixisida caalamka ama ka caawiyey in caddaalad lagu qaado kuwii falal hore ku lug lahaa.
Macluumaadka la helay, waxay suurageliyeen in shakhsiyaadka soo socda, oo ka tirsan kuwo kale oo badan, in maxkamad la soo saaro:
Uday Hussein
Qusay Hussein
Ramzi Ahmed Yousef
Mir Aimal Kansi
Hamsiraji Marusi Sali
Toting Craft Hanno
Muhsin Khadr al-Khafaji
Khamis Sirhan al-Muhammad
Muhammad Zimam Abd al-Razzaq al-Sadun
Khadaffy Janjalani
Abu Solaiman
Edgar Navarro
Shakhsiyaad geesiyiin ah oo warbixin soo gudbiyey ayaa suurageliyay in laga hortago iyo in wax laga qabto weeraro argagixisnimo oo dhici lahaa:
- Xilligii uu socday Dagaalkii Khaliijka, nin geesi ah oo u dhashay dal ka tirsan Bariga Aasiya ayaa soo gudbiyey warbixin xasaasi ah oo ku saabsaneyd weerarro ku saabsan falal argagixiso ee la qorsheynayey. Argagixisada waxay hore u sahmiyeen bartilmaameedka ay damacsanaayeen waxayna diyaarsadeen hubka sida darandooriga u dhaca, dhowr bam ah iyo waxyaabaha la qarxiyo. 48 saac ka hor inta aan la qaadin weerarkii ugu horreeyay ee la qorsheynayey, wuxuu warbixiyaha soo gudbiyey warbixinta muhiimka u ahayd in laga hortago qorshaha ay argagixisada damacsanaayeen. Weerarka ayaa laga hortagay, ninkaasi oo ay da'diisu yareyd ayaa la siiyay abaalmarin aad u badan, waxaana qoyskiisa loo raray meel ay ku badbaadaan. Warbixinta uu keenay, waxay suuragelisay in ay ku badbaadaan boqolaal qof naftooda.
- Kiis kale, gabadh ay da’deedu yar tahay ayaa soo gudbisay warbixin ku saabsan shakhsiyaad afduubay dayuurad oo si xun u garaacay rakaabkii dayuuradda saarnaa. Waxay sheegtay in ay "aad u doonaysay in maxkamad la soo taago." Ninkii hoggaaminayey dadkii afduubka geystay ayaa Mareykanka gacanta loo geliyay waana la xiray iyadoo lagu eedeeyay afduub dayuuradeed. Gabadhii yareyd waxaa laga abaalmariyey dadaalkii ay ka geysatay la dagaallanka argagixiska.
- Gabadh yar oo kale, oo arday ka ahayd jaamacad qalaad, ayaa indhaheedu ku aragtay dil xun oo loo geystay qof diblumaasi oo Mareykan ah. Gabadha ardayadda aheyd iyo qoyskeeda waxaa loo guuriyey meel ay ku badbaadaan waxaana la siiyay abaalmarin badan.
