Skip Navigation.

Raadinta Macluumaadka kasoo horjeeda Argagixisada Caalamiga ah

La Raadinayo
Macluumaad keena in lagu soo qabto ama dambi loogu xukumo
Hafiz Mohammad Saeed
Illaa $10 Milyan


Goobta Dhalashada : Bahawalpur, Gobolka Punjab, Baakistan
Taariikhda Dhalashada : 06/05/1950
Nooca Jinsiga : Lab
Timaha : Red
Indhaha : Maariin
Dhalashada : Baakistaan
Jinsiyadda : Baakistan

Hafiz Mohammad Saeed wuxuu horey u ahaa barafasoor dhigga Carabi iyo Ingineering, iyo sidoo kale uu yahay xubihii aassaasey ururka Jamaat-ud-Dawa, oo ah ururka Islaamiga Ahl-e-Hadith oo asal-raac ah oo u go'ay in India iyo Baakistan oo dhan ka dhisaan xukun Islaam ah, iyo laan militeri, Lashkar-e-Tayyiba. Saeed waxaa loogu shakisan yahay inuu ka dambeeyey weeraro argaggixiso oo dhowr ah, oo ay ku jiraan weeraro Mumbai ka dhacay 2008, kaasoo dhaliyay dhimasho gaaraya ilaa iyo 166 qoffood, oo ay ku jiraan lix muwaadiin Mareykan ah.

Jamhuuriyadda India waxay soo saartey Ogeysiis Interpol Red Corner Notice oo lid ku ah Saeed doorkiisii weeraradii argaggaxisada ee Mumbai ka dhacay 2008. Waxaa intaa dheer, Waaxda Maaliyadda Mareykanka waxay Saeed u magacawdey ku Magacaabis Gaar ah ee Qaran oo hoos yimaada Amarrada Dowliga ee 13224. Sidoo kale Saeed waxaa shaqsiyan ay Qaramada Midoobey inay u magacowdo sida hoos timaada UNSCR 1267 bisha Disember 2008 dhexdeeda.

Lashkar-e-Tayyiba waxaa Urur Argaggaxiso Shisheeye loo magacaabay bisha Disember 2001. Bisha Abriil 2008 dhexdeeda, Mareykanka waxay Jamaat-ud-Dawa u magacawdey sida Urur Argaggaxiso Shisheeye; sidaa si la mid ah, Qaramada Middoobey waxay bishii Disember 2008 Jamaat-ud-Dawa u magacowdey urur argaggixiso ah.

Click here to listen to a Public Service Announcement about this terrorist