La Raadinayo
Macluumaad sheegga meesha uu
Axmed Cabdi Aw-Maxamed
Ilaa iyo $7 Malyuun oo Abaal-marin ah
Goobta Dhalashada : Hargeysa, Somalia
Nooca Jinsiga : Lab
Timaha : Madow
Indhaha : Maariin
Midabka : Madow xigeen
Dhalashada : Soomaali
Magacyada La Sheegto : Axmed Cabdi Aw Maxammed, Muktar Cabdulraxim Abuzubair, Sheekh Mukhtar, Abu Zubeyr, Godani, Godane
Axmed Cabdi Aw-Maxamed waa aasaasihii Xarakada Mujaahidiinta Shabaab (al-Shabaab). Waxaa si shaacsan amiirka ururka loogu magacaabay markay ahayd Disembar 2007. Aw-Maxamed wuxuu hawl gallada al-Shabaab ee Soomaaliya oo dhan ka ahaa taliye. Wuxuu sheegtay in kooxdiisu ay mas’uul ka ahayd khaarijintii xaakin lagu dilay Beledweyne, Soomaaliya bishii Maajo 2007; isla markaana intii lagu jiray Maarso 2007, wuxuu agaasimay weeraro lagu qaaday ciidammadii Itoobiya ee ku sugnaa Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale al-Shabaab u ahaa meesha loo mariyo maaliyadda. Taariikhdu markay ahayd Nofembar 20, 2008, Waaxda Hanti Dhowrka ee U.S. aw-Maxamed ayey eedeysay iyadoo u cuskaneysa Xeerka Fulinta ee 13224, kaasoo bartilmaameedsada argagixisada iyo kuwa taageerada siiya argagixisada ama falalka argagixisannimada. Aw-Maxamed sidoo kale waa la eedeeyey iyadoo loo cuskanayo Xeerka Fulinta ee 13536 iyadoo lagu eedeeyey in uu gacan ka geystay dagaallada iyo sii xumaanta amniga Soomaaliya.
Al-Shabaab waxay ahaayeen garabka hubeysan ee Golihii Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya ee bartamihii 2006 la wareegay xukunka koofurta Soomaaliya. Al-Shabaab waxay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ka sii wadeen kacdoonkoodii gacan ka hadalka lahaa. Kooxdu waxay sheegatay in ay mas’uul ka ahayd qaraxyo badanoo ay ku jiraan noocyo kala duwan oo weerarro is qarxis ahoo ay ka fuliyeen Muqdisho iyo bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya, iyagoo si gaar ah u bartilmaameedsanayey saraakiisha Dowladda Soomaaliyeed iyo ciddii ay u arkaan in ay la shaqeyneyso Dowladda ku Meelgaarka Federaalka ah ee Soomaaliya (TFG). Waxay u egtahay in Al-Shabaab ay mas’uul ka ahaayeen baabuur walxaha qarxa lagula qarxiyey oo shan ah oo dhacay Oktoobar 2008 kuwaasoo si isku mid ah u bartilmaameedsaday labo magaalo oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, oo lagu dilay dad tiradoodu gaareyso 26 isla markaana dhaawacay 29 kale. Al-Shabaab waxay mas’uul ka ahaayeen labo isqarxin oo ka dhacay Kampala, Uganda, bishii Luuliyo 11, 2010, kaaso lagu dilay dad ka badan70 qof, oo uu ka mid ahaa hal qof oo Maraykan ah. Kooxdu waxay mas’uul ka yihiin qaarajinta dadka u dhaqdhaqaaqa nabadda Soomaaliyeed, shaqaalaha samafalka caalamiga ah, qaar badan oo ka mid ah dadka ugu muuqda ururrada bulshada, iyo suxufiyiinta. Markay ahayd Febaraayo 2012, al-Shabaab iyo al-Qaacida waxay ku dhawaaqeen in ay si toos ah isugu biireen.
Waaxda Arrimaha Dibedda ee U.S. waxay al-Shabaab ku magacowday Urur Argagixiso oo Caalami ah iyadoo u cuskaneysa Faqradda 219 ee Sharciga Muwaadinnimada iyo Socdaalka (sidii wax looga beddelay) Febaraayo 26, 2008, isla markaana waxay si Gaar ah ugu aqoonsatay argagixiso caalami ah iyadoo u cuskaneysa Xeerka Fulinta 13224 ee Febaraayo 29, 2008.
Click here to listen to a Public Service Announcement about this terrorist

